Sunday, September 14

Shirka Golaha Wasiiradda oo maanta qabsoomay ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xag amni, siyaasadeed iyo dhaqaaleba – gaar ahaan xadgudubka dowladda Ethiopia ee is afgarad ku sheeggii Bishan Ethiopia iyo maamulka Somaliland.

Gollahu wuxuu si cad uga soo horjeestay damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, wuxuuna soo dhaweeyey doorka ay beesha caalamka ka istaagtay arrintan.

Gollaha wuxuu Itoobiya ugu baaqay in ay damacaasi ka laabato, maaddaama uu yahay   mid aanan suura gali karin.

Dowladda Soomaaliya, waxey dhawaan go’aan culus ka soo saartay damaca Itoobiya ay ku hananeyso 20km oo ka mid ah badda Soomaaliya, waxeyna u yeeratay safiirkeedii fadhiyey Staduim Muqdisho.

Exit mobile version