Waxaa Maanta Muqdisho ka qabsoomay kulankii seddexaad ee Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay isugu yimaadeen Madaxda Maamul Goboleedyada Marka laga reebo Puntland.
Shirka Maanta ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka iyo qodobo kale oo xasaasi ah, kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalka.
Inta uu shirka socday ayaa warbixin looga dhageystay Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, kaas oo ka hadlay guulaha laga gaaray amniga.
Shirkan ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, waxaana gunnaanadkiisa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ay ku dhan yihiin qodobadii shirka lagu falanqeeyey.