Sunday, September 14

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirkii 4-aad ee ee Madasha Garsoorayaasha Soomaaliya, kaas oo furmay maalintii shalay ahayd.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen garsoorayaasha kala duwan ee maxkamadaha Soomaaliya, ayaa lagu lafa gurayaa caqabadaha waqtigan ku gadaaman garsoorka, iyo sidii uu u noqon lahaa mid hufan oo nadiif ah.

Kulanka ay isugu yimaadeen garsoorayaashan gudaha dalka ka shaqeeya, ayaa intii uu socday si weyn looga dooday sidii loo mideyn lahaa qaabka iyo qorista xukunnada ay maxkamadaha dalka qaadaan.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Garyaqaan Baashe Yuusuf, ayaa kulankan ka sheegay, in laga fogaado waxyaabaha suurad xumeyn kara garsoorka dalka, isla markaana si cadli ah loogu adeego bulshada.

Garyaqaanka ayaa ka dalbaday masuuliyiintii garsoorka dalka ka socotay, in ay ka baaqsadaan waxyaabaha la xiriira masuq maasuqa, oo si weyn u aafeeyey dalka.

Indhaweydba Garsoorka Soomaaliya waxaa dul hoganayey dhaliilo la xiriira masuq maasuq, kaas oo hortaagnaa in la helo garsoor cadli ah, oo ay bulshadu ku diirsato.

Exit mobile version