Thursday, September 11

Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray ka dib markii toogasho lagu dilay. Shinzo Abe ayaa iska casilay jagada ugu sareysa ee dalka sanadkii 2020-ka laakiin raadkii iyo dhaxalkii uu ka tagay ayaa saameyn joogto ah ku yeeshay nolol maalmeedka dadka reer Japan iyo siyaasadda dalkaasi. 

Hogaamiyihii hore ee Japan Shinzo Abe oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa taariikhda Japan, ayaa dhintay Jimcihii shalay ka dib markii la toogtay xilli uu khudbad ka jeedinayay xaflad olole oo ka dhacday galbeedka Japan.  Wuxuu ahaa 67 sano jir cabqari siyaasadeed ah. 

Dhaxalka Abe

Intii uu noolaa, Abe waxa uu si weyn u kala  qeybiyay rayiga guud ee waddanka oo dhan.  Dadka dhaleeceeya Abe waxay u arkeen wadani xagjir ah iyagoo ku eedeeyay in uu hoos u dhigay mahadhooyinkii ka dhashay xiligii dagaalada ee wadankaasi.  

Ballanqaadyadii Abe ee ahaa in la dhiso “Japan xooggan oo barwaaqo ah” ma aheyn kuwo uu ku wada guuleystay laakiin waxa uu sameeyay isbadallo muuqda oo la taaban karay. 

Taageerayaashiisu waxay u arkayeen hogaamiye saameyn badan leh oo xoojiyay iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Japan iyo Maraykanka iyo dunida guud ahaan. 

Waxa uu heshiisyo ganacsi oo waaweyn la galay Midowga Yurub iyo dalalka Baasifigga.

Intii uu xilka hayay, Japan waxay si aan horay loo arag dalkeeda u furtay shaqaalaha ajnabiga ah, maalgashiga caalamiga ah iyo dalxiiska waxayna taasi u sahashay dalka in uu hormar dhaqaale oo xoog leh gaaro. 

Abe ayaa iska casilay xilka ra’iisul wasaarenimo sanadkii 2020-ka xaalad caafimaad oo daba-dheeraatay awgeed oo uu la dagaalamayey sannado badan.

Isku dheelitirka awoodaha waaweyn

Abe waxa uu dalkiisa xiriir ahaan u soo dhoweeyey dalalka kale ee qaaradda Aasiya.

Waxa uu kor u qaaday wacyiga guud ee gobolka ee ku aadan himilooyinka ay Shiinuhu ka damacsan yihiin gobolka wuxuuna kor u qaaday xoojinta xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Japan iyo dalalka gobolka iyada oo loo marayo siyaasad maalgashi dhaqaale ku dhisan.

Loolanka awoodeed ee taariikhiga ah ee u dhexeeyay Shiinaha iyo Maraykanka oo aad sare ugu kacay intii uu xilka hayay ayaa Abe ku khasabtay inuu siyaasad xirfadeysan la cayaaro labada quwadood ee waaweyn wuxuuna ku guuleystay in uu balaariyo xiriirka amni ee uu Maraykanka la lahaa iyo midka ganacsi ee  Shiinuhu la lahaa kaas oo ah saaxiibka dhaqaalaha ugu muhiimsan ee Japan. 

Mucaarad daciif ah

Muddada dheer ee uu Abe ku fadhiyey xilka waxa u fududeeyey xisbiyada mucaaradka oo ahaa kuwa daciif ah isla markaana kala qeybsan taas oo u sahashay in si buuq la’aan ah uu ajandihiisa qaran dalka ku gaarsiiyo  barwaaqo iyo xasilooni dhaqaale .

Asaasida xasiloonida siyaasadeed ayaa ka mid ah guulaha muhiimka ah ee lagu xasuusan karo Mr. Abe. 

Geeri lama filaan ah

Hogaamiyaasha aduunka ayaa ka naxay toogashada RW hore ee Japan Shinzo Abe. 

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in dilka Abe uu isaga ku reebay “naxdin iyo murugo aad u weyn”.  Wuxuu u tacsiyeeyay qoyska Abe iyo ra’iisul wasaaraha dalkaasi  Fumio Kishida iyo shacabka Japan.

Madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku tilmaantay weerarka “mid fool xun oo fuleynimo ah.” Waxay sii raacisay ” Waxaa geeriyooday qof cajiib ah, dimoqraadiista weyn ah isla markaana hormood u ah duni isku furfuran,” “Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyskiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan dadka Japan.”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa yiri “Aad baan uga naxay, uga xanaaqay, aad baan uga xumahay warka sheegaya in saaxiibkay Abe Shinzo, Ra’iisal wasaarihii hore ee Japan la toogtay oo la dilay isaga oo olole ku jira.

 “Tani waxay musiibo ku tahay Japan iyo dhammaan dadkii yaqaanay,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray.  Waxa uu sidoo kale amray in calamada Mareykanka hoos loo dhigo ilaa 10-ka July si loogu sharfo hogaamiyihii hore ee geeriyooday, waxa uuna sheegay in uu tagi doono safaarada Japan ee Washington si uu u saxiixo buugga tacsida. 

 Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dhanka kale Abe ku tilmaamay “hogaamiye aragti weyn leh” wuxuuna dilkiisa ku tilmaamay “naxdin murugo weyn xambaarsan”. 

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa isna bartiisa twitterka ku soo qoray “Waa war naxdin leh dilkii foosha xumaa ee loo geystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa iyo shacabka Japan xilligan adag, falkan foosha ma ahan mid cudur daar leh.”

Hortabin Media

Exit mobile version