Inta la ogyahay 18 ruux ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Goobaare ee xeebta Bari ee Gobolka Saaxil.
Shilka ayaa yimid kadib markii uu gaarigu rogmaday, waxaana gaariga saarnaa dad tiradooda lagu sheegay 20 qof, waxaase ka badbaaday 2 qof, iyadoo intii kale ay dhaawacmeen.
Ciidanka Ilaada xeebaha ee Somaliland ayaa ugurmaday dad shilka galay, iyagoo xarumaha caafimaadka ee magaalada Berbera geeyey dhaawacyadii ka dhashay shilka.
Gaariga rogmaday ayaa ahaa nooca rakaabka u qaada deegaanada xeebaha ee Somaliland, waxaana shilka loo sababeynayaa wadada oo qarda jeex ahayd.
Dadka dhaawacmay qaarkood ayey xaaladoodu aad u liitadaa, sababo la xiriira saameyn xoogan oo uu ku yeeshay shilka, waxaana mashquul ah Isbitalka guud ee Berbera oo ah halka lagula tacaalayo bukaanadii shilka ku waxyeeloobay.