Shil gaari oo khasaare kala duwan gaystay ayaa maanta ka dhacay degaanka War-idaad oo ka tirsan, meelaha uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari, waxaana halkaasi ku geeriyooday labbo ruux halka ay ku dhaawacmeen afar kale, sida ay warbaahinta sheegeyso.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyagoo gurmad u fidiyey dadkii dhaawaca ahaa.
Dadkii ku dhaawacmay Shilkan ayaa xaaladooda caafimad lagula tacaalayaa xarumaha caafimaadka magaalada Hargeysa, halkaas oo la gaarsiiyey, waxaana ku jira kuwa ay xaaladooda caafimaad culus tahay.
Waxaa sanadihii ugu danbeeyey degaannada Soomaaliland ku soo badanayey shilalka gawaarida, sababo la xiriira bur bur xooggan oo hareeyey wadooyinka, iyo qibrad yari dhanka darawalada gaadiidka.