Thursday, September 11

Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka Xi Jinping iyo Joe Biden ayaa markii shanaad khadka telefoonka ku wada hadlay muddo ka badan laba saacadood. Wada hadalka labada madaxweyne ayaa salka ku hayay qadiyadda Taiwan oo labada dal ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.

Sida ay warbaahinta Shiinaha sheegtay, madaxweyne Xi Jinping ayaa uga digay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden in marka ay timaado qadiyadda Taiwan uu Mareykanku “dab ku cayaarayo”. Xi Jinping ayaa u sheegay Biden in Maraykanku uu u hoggaansamo “mabda’a shiinaha ee ah hal dal” wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu si adag uga soo horjeedo madaxbannaanida Taiwan iyo faragelinta reer galbeedka.

Dhanka kale, bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Biden uu u sheegay Xi in siyaasadda Mareykanka aysan is beddelin, Washingtonna “si adag uga soo horjeedo dadaallada halka dhinac ah ee lagu doonayo in lagu beddelo xaaladda hadda jirta ama lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan marin biyoodka Taiwan” – xuduuda biyaha ee kala soocda jasiiradda Taiwan iyo dal weynaha Shiinaha.

Shiinaha ayaa sidoo kale u cadeeyay Mareykanka sida weyn ee ay uga soo horjeedaan qorshaha ay afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi ku dooneyso in ay ku tagto Taiwan.

Exit mobile version