Friday, September 12

Shiinaha ayaa diyaarado tiro badan iyo gantaalada ridada dheer geeyay meel u dhow jasiiradda Taiwan. Waa  dhoolatuskii ugu weynaa ee Shiinuhu uu ku sameeyo marin biyoodka Taiwan, maalin kadib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay safar ay taageero ugu muujineyso ku tagtay jasiiradda iskeed isku maamusho ee Taiwan.

Milateriga Shiinaha ayaa xaqiijiyay in dhowr gantaal oo caadi ah ay ku rideen biyaha dalka Taiwan, waxayne sheegeen in ay qeyb ka tahay dhoolatusyo militari oo illaa maalinka Axadda ah socon doono kuwaas illaa lix goobood lagu sameyn doono. Shiinaha ayaa howlgeliyay in ka badan 100 diyaaradood, oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax duqeeya, iyo in ka badan 10 markab dagaal, sida uu sheegay telefiishanka dawladda ee CCTV. 

Dhaka kale, wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in ay baacsadeen 22 ka mid ah diyaaradaha Shiinaha kuwaas oo kasoo gudbay aagga difaaca hawada ee Taiwan, waxayna sidoo kale sheegtay in ciidammadeedu ay rasaas huwiyeen gelinkii dambe ee maanta afar diyaaradaha nooca aan duuliyaha laheyn.

Madaxweyne Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in Taiwan aysan kicin xiisado isku dhacyo keeni kara balse ay si adag u difaaci doonto madax banaanideeda iyo amniga qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa booqashadii Pelosi ee Taiwan ku tilmaamay mid “waali yo mas’uuliyad darro aan caqli gal aheyn.”

Wang, oo dhanka kale ka hadlayay shir ay wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Koonfur Bari Aasiya ku yeesheen Cambodia, ayaa sheegay in Shiinuhu uu isku dayay in uu qaab dublamaasiyadeed ku baajiyo qalalaasaha balse aanu marnaba oggolaan doonin in danihiisa asaasiga ah la dhaawaco.

Booqashada Pelosi

Booqashada Pelosi oo ah booqashadii ugh heerka sareysay ee mas’uul Mareykan ah uu ku tago jasiiradda Taiwan muddo 25 sano, ayay Nancy Pelosi ku amaantay Taiwan arrimo badan oo ay dimuquraadiyadda ka mid tahay waxayna ballan qaaday in Mareykanku uu taageerayo himilooyinka iyo madaxbanaanida Taiwan. 

“Wafdigayagu waxa ay u yimaadeen Taiwan si ay u caddeeyaan in aynaan ka tagin Taiwan,” Pelosi ayaa u sheegtay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen.

Beijing oo si weyn uga carootay booqashada Pelosi ayaa shaki weyn ka qabta in Washington ay dabada ka riixayso madax-bannaani rasmi ah oo ay Taiwan hesho.

Shiinaha ayaa u yeeray safiirka Maraykanka u jooga Beijing si ay uga mudaaharaadaan tallaabadda ay Pelosi ku booqatay jasiiradda Taiwan.

Axmed Dhaqane, Hortabin Media

Exit mobile version