Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Rooble oo ka mid ahaa Culumada ku nool degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa halkaasi laga soo qabtay, waxaana loo taxaabay xabsiga.
Wadaadkan ayaa taageero u muujiyey Al Shabaab, isagoo mid qalad ah ku tilmaamay dagaalka ay dowladda kula jirto Al Shabaab, arrintaas oo si weyn u qabsatay Baraha Bulshada.
Sheekh Cabdiraxmaan oo markii laga soo qabtay degmada Gadoon lagu xiray xabsi ku yaalla Dhuusamareeb, ayaa ugu danbeyn la keenay gudaha Muqdisho, wuxuuna iminka ku xiran yahay xabsi ay Nabad Sugida Soomaaliya ku leedahay Caasimada.
Sheekha ayaa su’aalo dhowr ah laga weydiinayaa waxyaabihii uu kala jeeday hadalkii uu ku duray dagaalka dowladda ay kula jirto Al Shabaab, waxaana iminka socda baaritaano ku aaddan nooca xiriir ee ka dhaxeeya isaga iyo Al Shabaab.
Wadaadkan ayaa sida la sheegay la dhashay wadaadkii caanka ahaa ee dhintay ee Sheekh Boqol-Soon, waxaana ninkan la sheegaa inuu aad u taageero Al Shabaab, sida aan ka soo xiganay dadka aqoonta u leh.
