Saturday, September 13

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh Axmed oo maanta ka qeyb galay kulanka Barlamanka ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad uu inta badan uga hadlay arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka KMG ah, kaas oo xiligan horyaalla golaha barlamanka, isla markaana ay socoto dooda la xiriirta qabyo tirkiisa.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn sheegay in hab qaldan loo maray hannaanka lagu dhameystirayo dastuurka, wuxuuna soo hadal qaaday dhowr qodob, kuwaas oo uu tilmaamay inuu dhaliilsan yahay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa carabka ku dhuftay in dastuurku uu yahay heshiis bulsho, kaas oo u baahan wadatashi ballaaran, waxaana hannaanka iminka lagu dhameystirayo dastuurka uu ku sifeeyey mid keeni kara kala qob qob bulshada dhexdeeda ah, maaddaama ay jirto tabasho aad u badan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu danbeyntii tilmamay in dastuurka Soomaaliya uu ka socon waayey madax ka dhex raadineysa dano qaas ah, taas oo uu xusay in aysan suura gali karin.

24-kii Janaury ayey ahayd markii labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya ay ansixiyeen habraaca wax ka baddelka dastuurka, waxaana wixii waqtigaasi ka danbeeyey barlamanka si toos ah uga socday dooda ku aaddan dhameystirka dastuurka iyo wax ka baddelkiisa, taas oo xidhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin.

Exit mobile version