Saturday, September 13

Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay siyaasiyiinta mucaaridka Shariif Sheekh Axmed oo horey madaxweyne uga soo noqday dalka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ah Gudoomiyaha xisbiga Wadajir.

Labadan nin oo aad uga soo horjeeda hannaanka uu dalka u daadihinayo Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku fashilmay taladii loo igmaday, waxeyna ugu baaqeen in talada uu ku soo celiyo miiska wada hadalka.

Siyaasiyiitan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu riixayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo sida ay sheegeen aan dalka ka qabsoomi karin, waxeyna qorshahaasi ku tilmaameen mid lagu doonayo muddo kororsi.

Labada Siyaasi ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka ugu baaqay inuu ka digtoonaado hantida uu iibinayo ee dowladda, kuwaas oo sida ay sheegeen uu ka iibinayo ganacsato uu isagu heshiis la galay, taas oo sida ay xuseen sharciga baal marsan.

Hadadalka siyaasiyiintan ayaa imanaya xeer muhiim ah oo lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Exit mobile version