Thursday, September 11

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto qabsatay sheekada Bilan Cismaan oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku noon dalka Sweden, taas oo u dooda dadka Islaamka ah, isla markaana diidan kooxaha cunsriyiinta.

Gabadhan ayaa qortay maqaalo badan oo ay kaga hadleysay dhibaatada lagu hayo dadka Islaamka ah iyo heerka ay taagan tahay cunsiryada lagala kulmayo kooxaha midigta fog ee cunsuriyiinta ah.

Iminka waxaa soo baxday eedeymo uu Bilan u jeedinayo nin lagu magacaabo Christian Peterson, kaas oo labadii sano ee ugu danbeysay ay si aad ah isugu dhawaayeen Bilan.

Ninkan oo isaguna weriye ah ayaa sheegay inuu soo bandhigi doono cadeymo bidhaaminaya waxa dhabta ah ee Islaamku yahay, wuxuuna tilmaamay in cadeymaha uu hayo ay horseedi doonaan in Bilan ay xabsi mudato.

Bilan oo is difaaceysa ayaa sheegtay in ay been abuur tahay waxa uu ninkan sheegayo, waxaana xiriirka labadooda ka dhexeeyey ay ku macneysay mid shaqo, oo aan haba yaraatee aanu jirin xiriir jaceyl oo dhexdooda ah.

Waxey tilmaantay in ninkan uu yahay ninkii soo abaabulay falkii lagu gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka, waxeyna sheegtay in ay usoo dhaweysatay arrimo la xiriira xogo ay dooneysay in ay ka hesho kooxaha midigta fog.

Taariikhda kooban Bilan Cismaan

Bilan, oo 32-jir waa gabar 1992-dii ku dhalatay magaalada Goteborg ee dalka Sweden, waxaana waalidiinteedu ay asal ahaan ka yimaadeen Soomaaliya, oo ay uga qaxeen colaadihii ahliga ahaa ee dad iyo duunyaba galaaftay.

 Bilan Waxay Waxbarashadeeda ku qaadatay gudaha Sweden, iyadoo noqotay bare sare oo maaddada kimistariga dhigi jirtay, iyadoo ku soo barbaartay magaalada Partille ee dalkaasi Sweden.

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa saxaafada ka baratay dugsiga saree e Bona Folk, waxeyn intaasi kadib guda gashay in ay wax ku qortay Wargeysyada ka soo baxa Sweden sida Svenska Dagbladet iyo Expressen.

Waxey si xooggan sanadkii 2013 ugu dooday in ogolaansho iyo amni ballaaran ay helaan xijaabka haweenka Muslimiinta ah, waxeyna qeyb ka ahayd shan saxiixeyaal warqad furan oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet oo ku boorinaysay haweenka Muslimiinta ah ee Sweden in ay xijaabtaan.

Bilan oo arrimaha cunsuriyada iyo islaam naceybka dagaal kula jirta ayaa ku biirtay ururka Ibn Rushd Study Association, si ay u xoojiso dhaqdhaqaadeeda ka dhanka ah kooxaha cunsuriyada ay ragaadisay.

Bilan Qoraaladeeda ayaa noqday kuwo soo jiidasho leh, iyadoo xulaneysay mowduucyo iyo cinwaano aad loogu riyaaqo, waxeyna taasi keentay in Sannadkii 2014  ay ku guuleysato abaal marinta sannadlaha ah ee ELSA ee Guddiga Iswiidhishka ee ka hortagga nacaybka, taas oo la siiyo dadka la dagaallama naceybka.

Bilan ayaa sidoo kale sanadii 2020 ka mid ahayd afar musharax oo u sharaxanaa abaal marinta “Xiddigta soo kacaysa” ee Ururka Daabacadaha Joornaalka Iswidhan, maddaama ay si aad ah uga dhex muuqatay warbaahinta dalkaasi.

Dhankasta oo la milicsado sheekada Bilan Cismaan ayaa ah mid ay ka naxeen Soomaalida Sweden, iyo dadka kale ee Muslimka ah, maaddaama ay si xooggan ugu doodi jirtay, waxaase la ogayn waxa ay yihiin cadeymaha uu hayo ninka u goodinaya, kuwaas oo uu sheegay in ay xabsi ku muteysan karto.

Exit mobile version