Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Maamul goboleedka dhawaan galka ah ee SSC Khaatumo ayaa xilligan si aad ah u daneynaya ka qeyb galka tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee dhici doona bartamaha bisha soo socota.

Dowladda Fedraalka, gaar ahaan wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha, oo ka hadashay arrintan ayaa hoosta ka xariiqday in maamulka Khaatumo looga baahan yahay inuu soo buuxiyo sharuudo badan, kuwaas oo saamaxaya inuu tartankan ka qeyb galo.

Sida uu Wasiirku sheegay, sharuudahan oo ah kuwo farsamo, ayaa lagama maarmaan ah in la soo dhameystiro ka hor 15-ka bisha December ee sanadkaan oo ah marka uu furmayo tartanka maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Sharuudahan ayaa waxaa ka mid ah in si buuxda uu u howl gallo guddiga xiriirka kubadda cagta ee SSC, kaas oo dhawaan dhidibada loo taagay, isla markaana loo sameeyey xog-haye.

Muhiimada koowaad ayaa noqon doonta in guddigan uu howshiisa qabsado, isla markaana uu xoojiyo xiriirka dowladda dhexe, si awood loogu siiyo soo xulashada xidiga iyo macallimiinta ku matali doono tartankaasi.

SSC Khaatumo oo ah maamul dhawaan gal ah, ayaa dhawaan qeyb ka noqday maamullada xubnaha ka ah dowladda dhexe, waxaana xusid mudan in deegaanada maamulkaasi ay weli ka socoto dirir u dhaxeysa maamulka iyo Somaliland oo ay hore uga tirsanaayeen, kaas oo kacdoon qaatay bilooyin ay ugu suura gashay in deegaanadooda ay ka saareen maamulka Somaliland, oo isagu sheegay in Soomaaliya inteeda kale uu ka go’ay.

Exit mobile version