Saacadihii la soo dhaafay waxaa hakad ku jiray shaqadii duulimaad ee ka socotay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee dalka kenya, sababo la xiriira gadood ay sameeyeen shaqaalaha garoonkaasi.
Shaqaalaha duulista Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa ka cabanaya qorshe ay dowladda Kenya garoonka uga kireyneyso Shirkad laga leeyahay dalka Hindiya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesteen shaqaalaha garoonkaasi.
Ururka shaqaalaha duulista ee Kenya ayaa ka digay tallaabadan, waxaana sida muuqata dowladda Kenya ay ku fashilantay in xog sugan ka bixiso heshiiska ay shirkada la gashay, waana arrinta wal wal iyo shakiga dhalisay.
Dowladda Kenya ayaa ku adkeysaneysa go’aankeeda, waxeyna sheegtay in Garoonka uu qabto howl baaxad weyn, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa inuu helo maalgashi caalami ah.
Arrintan ayaa sababtay in Saacadihii la soo dhaafay uu hakad galo howlihii shaqo ee garoonkaasi, waxaana halkaasi ku xayirnaa dad aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwo Soomaaliyeed oo qaarkood Hortabin Media la soo xiriiray.
Si kastab ilaa waqtigan xal sugan lagama gaarin arrintan, waana arrin abuureysa walaac hor leh, maaddaama Garoonka Joma Kenyatta uu yahay mid muhiim u ah isku socodka bariga Afirka.