Thursday, September 11

Iran Iyo Israa’iil dhexdooda waxaa ka dhaqan gashay Xabad joojin aan caga badan ku taagneyn, taas oo suuragal ka dhigi karta in xili walba ay bur burto xabad joojinta, dhinacyaduna ay dirirta dhanka cirka ah dib u billaabaan.

maalin qura oo iminka laga joogo waqtigii ay dhaqan gashay xabad joojinta, waxaa dhinacyada ka soo yeeraya eedo, waxaana dhinacba dhinaca kale uu ku eedeynayaa inuu jabinayo xabad joojinta.

Israa’iil ayaa sheegtay in Iran ay soo qaaday weeraro drones ah, waana arrin caqabad weyn ku ah xabad joojinta, israa’iil waxey intaasi ku dartay in ay soo riday labo diyaaradood oo ka mid ah diyaaradahaasi aan duuliyaha lahayn.

Iran dhankeeda waxey sheegtay in ay ka go’an tahay xabad joojinta, weedhaha israa’iilna waxey ku sifeysay kuwo been abuur ah iyadoo Israa’iil uga digtay isku dey walba oo ku aaddan in ay weeraro ka fuliso gudaha Iran.

Xukuumadda tehran ayaa tilmaantay mar marsiyada Israa’iil ay fashilin doonto xabad joojinta, waxeyna dhankooda xuseen in ay iska difaaci doonaan duulaan walba oo tel aviv uga yimaada.

Sidoo kale Taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil ayaa ka dhawaajiyey inusan si rasmi ah u dhamaan dagaalkii ay israa’iil kula jirtay Iran, taa oo muujineysa in weli aan la gaarin xal waara oo dhinbisha qaboojin kara.

Xukuumadda Washington iyo Trump oo xabad joojinta dhaqan gashay ka shaqeeyey waxa ay mahadcelin ballaaran ka heleen Israa’iil waana arrin cadeyneysa in tel aviv ay dhex maquuraneysay xaalad adag.

kadib xabad joojinta RW Natanyaho ayaa trump ku tilmaamay saaxiibkii ugu fiicnaa ee Israa’iil soo mara taariikhda, wuxuuna mar uu goodinayey uu geesta kale hoosta ka xariiqay in ay Iran weerari doonaan haddii ay dib u dhisto barnaamijkeeda nukliyeerka.

Trump, ayaa isaguna ugu hanjabay Iiraan inaysan wax dib u dhis ah ku sameyn karin xarumaha nukliyeerka ee la weerarray, tallaabadaas oo uu sheegay inay ka dhalanayso cawaaqibo xumo baahsan!.

Trump ayaa sidoo kale dhinacyada ku adkeeyey in la tixgaliyo xabad joojinta.

dhinaca kale Wargeys Israa’iil ka soo baxa ayaa sheegay inay Israa’iil ay ku khasaartay dagaalkii ay la gashay Iiraan , illaa 5 bilyan oo dollar, arrintan ayaa ku soo beegmeysay xili Iran ay sheeganeyso in ay libin ka soo hoysay dagaalkii ay israa’iil la gashay.

Guddiga sare ee amniga Iiraan, oo warsaxaafadeed soo saaray, waxay yiraahdeen: “Waxaan ku guuleysanay dagaalka, taasina waxay Israa’iil ku khasabtay inay isdhiibto oo ay joojiso weerarka…. Ciidamadeenna ma aaminaan ballan-qaadka cadowga, welina diyaar bay u yihiin inay iska difaacaan haddii mar kale la soo weerarro.

sidoo kale Telefishinka Iiraan, ayaa laga baahiyey baaq ku socda dadweynaha dalkaasi oo loogu sheegayo; dabaal-degga guusha ay Iiraan ka gaartay dagaalka Israa’iil inuu ka dhacayo fagaaro ku yaalla bartamaha Tehran.

haddaba maxey dunida ka yiraahdaan xabad joojintan aan cagaha badan ku taagneyn

Madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo ka hadlaya xabbad-joojinta dagaalka Iiraan iyo Israa’iil, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay, wuxuuna dhinacyada ku booriyey in ay u hoggaansamaan xabad joojinta.

sidoo kale .”Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Ruushka ee Kremlin-ka, ayaa lagu soo dhaweeyey xabad joojinta dhaqan gashay ee Iran iyo Israa’iil, wuxuuna xusay ruushku in arrintan aysan waxba u dhimi doonin xiriirka Mascow iyo Tehran, balse dhawaan la sii xoojinayo.

Ra’iisul wasaare ingiriiska Keir Starmer ayaa isna sheegay in xabbad joojinta Iran iyo Israa’iil ay tahay mid muhiim ah wuxuuna yiri “Tani waa fursad lagu sugi karo xasiloonida Bariga Dhexe ee aadka loogu baahan yahay,

Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay dhambaal uu u soo diray madaxa gaashaan buurta Nato Mark Rutte taas oo uu ugu hambalyaynayo madaxweynaha go’aanka xabad joojinta iyo dadaalka uu mareykanku ku bixiyey arrintaasi.

si kastaba Dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan ayaa ahaa dagaalkii ugu dheeraa oo si toos ah u dhex mara labada dhianc, waxaana lagu xasuusan doonaa inuu ahaa mid lagu hardamay iyadoo la isku adeegsanayo ” gantaalo, maskax, xogo sirdoon”balse sida falanqeeyayaashu sheegayaan aanay cidna guul buuxda ka gaarin, marka laga reebo muujinta iran ee awoodeeda iska caabinta.

dhanka Israa’iil dagaalkan ayaa u noqday darsi waxeyna ku baratay in ay halis cagaha la gelyso haddii aanay Mareykanka garab buuxa ka helin, waxaana soo daahidii Mareykanka ay wal wal badan ku abuurtay Tel aviv.

Mareykanka ayuu sido kale dagaalkan feejignaan dheeri ah ku abuuray, maaddaama duqeymohoodii ay Iiraanna uga falcelisay si degan oo adeyg iyo waaya aragnimo ku dheehan tahay.

Duniddu ayaa geesta kale aragtay in dagaallada waaweyn aysan ahayn hub iyo gantaallo kaliya – balse yihiin kuwo ku dhisan xog, xeelad, cadaadis siyaasadeed iyo xikmad dagaal.

Exit mobile version