Friday, September 12

Walaac xooggan ayey waqtigan muujinayaan shacabka dalka Ugandha, kadib weerarkii Buulo Mareer, kaas oo inta la ogyahay lagu dilay askar gaareysa 54, kuwaas oo ka soo jeeda dalka Ugandha.

Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Museveni oo arrintaasi ka hadlay, ayaa kicisay dareenka shacabka Ugandha, waxeyna dowladooda ka dalbanayaan in ciidamadooda laga soo celiyo Soomaaliya.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta dalkaasi oo la hadlay warbaahinta caalamka, ayaa tilmaamay in ay aad uga murugeysan yihiin xaaladda ciidamada dalkooda ee ku sugan Soomaaliya, waxeyna dowladda ugu baaqeen in ay codsigooda u dhaga nuglaato.

Madaxweyne Museveni, ayaa ku adkeysanaya in ay ciidamadiisa qeyb ka sii noqdaan howlgalka nabad ilaalinta ee Midawga Afrika, isagoo kula dar daarmay in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, isla markaana iska caabiyaan, waxa uu ugu yeeray argagixisada.

In badan lama oggo waxa dareenka shacabka uu ka baddeli doono, mowqfika Madaxweynaha dalkaasi, balse rayidka iyo qoysaska dhibanayaasha ayaa caddaadis adag ku saaraya Yuweri in Soomaaliya laga soo kaxeeyo ciidamada Ugandha. 

Exit mobile version