Bulshada Soomaaliyeed ayaa si aad ah baraha bulshada ugu lafa guraya xiisada ka dhex oogan Israa’iil iyo Falastiin, waana kuwo eedeynaya Israa’iil oo xasuuq ku heysa iminka shacabka Falastiin.
Shalay oo ugu danbeysay waxaa Muqdisho isugu soo baxay shacab fara badan, kuwaas oo ka soo horjeeday xasuuqa ay Israa’iil ku heyso Falastiiniiyiinta.
Isu soo baxii shalay waxaa ka hadlay culumaa’udiin fara badan, kuwaas oo bidhaamiyey sida caddaalada darrida ah ee ay dunida u eeganeyso xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.
Culumada ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay muujiyaan isku duubni, isla markaana ay u duceeyaan walaalahooda Falastiiniyiinta.
Guud ahaan dalalka Islaamka ayuu toddobaadkani ka dhacay dibad xooggan oo lagu canbaareynayo xasuuqa ay Israa’iil ku heyso shacabiga Falastiin.