Saturday, September 13

Kadib markii Toddobaadkan gudhiisaWasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan uu magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, , Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan labada dal ayaa waxaa soo if baxaya walaac ballaaran oo ay shacabka Soomaaliyeed arrintaasi ka muujinayaan.

Bulshada Qeybaheeda kala duwan oo hortabin la hadlay ayaa sheegay in heshiiskan aanu dan ugu jirin Soomaaliya, waxeyna cod dheer ku sheegeen in laga baaqsado, dhaqan gelintiisa.

Shacabka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyin kala duwan ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, marka ay gaaraan dalka Sacuudiga, iyadoo loola dhaqmo si bani’aadminimada ka baxsan.

Si kastaba sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya Heshiiskan ayaa diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah: oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo yareynta shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Exit mobile version