Friday, September 12

Walaac xooggan ayey shacabka ka muujinayaan shirkadaha bixiya adeega korotada ee dalka ka jira, kuwaas oo lacago qiimo badan ka qaada bulshada.

Dadka  cabanaya ayaa sheegaya in bixiyaan dhaqaalle aysan awoodin, waxaana dhagaha laga fureystay cabshooyinka ay muujinayaan.

Bulshada ayaa sidoo kale dhibaato ku qaba awooda korontada aan xadeysneyn ee shirkadahani bixiyaan, kuwaas oo inta badan ay ka dhashaan khasaare xooggan.

Bilihii ugu danbeeyey kiisaska la diwaan geliyey ayaa ka badan ilaa 100-kiis, oo yimid kadib dab korontada xoogeedu uu sababay oo ka kacay guryo ku yaalla gudaha caasimadda.

Shirkadahan ayaanan bixinin wax magdhaw ah, taas oo wal wal ku abuurta qoyska ay dhibaatadu gaartay, oo inta badan waaya hantidooda iyo xubno qoysaskooda qaali ku ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna ilaa iyo iminka arrimaahasi waxba ka qaban, waana sababta keentay in shacabku ay ka hadlaan qeybaha warbaahinta, si codkoodu dowladda u gaaro.

Soomaaliya waxaa badan dabka ka kaca suuqyada iyo guryaha, maaddaama aysan xadeysneyn awooda korontada, oo haddii ay cilad ku timaado keeni karta khasaare nooc walba isugu jira.

Exit mobile version