Monday, September 15

Markii ugu horeysay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa fahmay dhagarta kooxda Al Shabaab, iyagoo bishan gudaheeda qabtay labbo dibadbax oo ay ku taageerayaan ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Bulshada Caasimada ayaa garab istaag u muujiyey ciidamadooda, iyagoo si cad u taageeray gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab, oo ay sanado badan u ahaayeen dhibanayaal.

Bannaanbaxan Muqdisho ka dhacay todobaadkan, waxaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo bogaadiyey geesinimads Shacabka.

Gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab, waxaa sidoo kale taageero u muujiyey siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwii xilalka ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Exit mobile version