Monday, September 15

Markii ugu horeysay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa qabtay dibadbax ay ku taageerayaan ciidamada dowlaada ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Bulshada Caasimada ayaa garab istaag u muujiyey ciidamadooda, iyagoo si cad u taageeray gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab, oo ay sanado badan u ahaayeen dhibanayaal.

Bannaanbaxan Muqdisho ka dhacay shalay, waxaa ka hadlay Duqa Caasimada Madaalle, kaas oo sheegay in mushaarkii shaqaalaha gobolka Banaadir ee bishan loogu tabarucay ciidamada ku jira safka hore ee dagaalka.

Gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab, waxaa sidoo kale taageero u muujiyey siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwii xilalka ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Exit mobile version