Friday, September 12

Gudaha Magaalada Muqdisho waxaa shalay dib loo furay muddo 16-sano ah kadib wadooyin xirnaa, kuwaas oo ay shacabku dhibaato badan ku qabeen.

Qorshaha waxaa kaalin weyn ka geystay maamulka degmada Dharkeenleey oo ah halka ay yaaleen wadooyinkaasi xirnaa mudada 16-sano ah.

Maamulka ayaa bur buriyey dhamaan guryihii laga dhisay wadooyinka, iyo xarumihii ganacsiga, wuxuuna sidoo kale qaaday dhagxaan taalay wadooyinkaasi qaarkood.

Shacabka Degmada Dharkeenleey ayaa qorshahan si aad ah usoo dhaweeyey, waxaana maamulka degmada uu sheegay in ay howshan sii wadi doonaan.

Exit mobile version