Sunday, September 14

Shacabka ku nool magaalada Bardaale oo ka mid ah meelaha ay fatahaadaha saameeyeen iyo maamulka degmada ayaa is-xilqaan ku billaabay inay ku dhistaan waddooyinka magaalada ee ku burburay daadadka dhawaan.

Sida warbaahinta loo soo bandhigay Burburka waddooyinka muhiimka u ah nolosha dadka ayaa saameyn ku yeeshay isu-socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Bardaale oo gaabis noqday tan iyo daadadkii Elnino.

Tallaabadan ayaa ku suntan mid mudan bogaadin, waxaana dadka deegaanku ay garwaaqsadeen muhiimada ay leedahay in xoogooda galiyaan bur burka soo gaaray Degmada.

Doorka ay qaadanayaan Shacabka Bardaalle ayaa waxaa amaanay maamulka Degmadaasi, oo dhawaan muujiyey qeylo dhaan kala duwan, inkastoo aanu helin wax jawaab ah.

Bardaalle ayaa qeyb weyn ka ah, meelaha uu sida daran u saameyey daadadka Elnino ee ku dhuftay Soomaaliya, waxaana bur buray inta badan magaalada, taas oo go’doon ku jirtay wax ka badan hal bil.

Exit mobile version