Sunday, September 14

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ku eedeysan inuu gubay Xaaskiisii Luul Cabdi Casiis, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka.

Maxkamada Racfaanka ayaa go’aankan ku raacday Maxkamada Gobolka Banaadir oo kal hore iyana Sayid Cali ku xukuntay xukun dil ah, wuxuuse maanta ku hungoobay racfaan qaadashadiisii.

Qareenka u doodaya Sayid Cali, ayaa kal hore ka dhawaajiyey in haddii ay ku qanci waayeen go’aanka Maxkamada Racfaanka, ay kiiskooda geyn doonaan Maxkamada Sare, taas oo iyana sii daba dheereyneysa dacwada la xiriirta kiiskan.

Kiiskan ayaa noqday mid hadal heyn badan ka dhex abuuray Baraha Bulshada, waxaana bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah ula socdee maraaxiladii kala duwanaa ee uu soo maray kiiskan.

Luul Cabdi Casiis ayaa xilligii uu gubayey sayigeeda ahayd xaamilo, waxaana haweeneydaasi ay ifka uga tagtay caruur agoon ah, oo uu abahood ka geeriyooday ka hor inta aanay is calfan Sayid Cali oo ah ninka kiiska dilkeeda ku eedeysan, ee iminka Maxkamada Racfaanka iyo tii ka horeysay ee gobolka Banaadir-ba ay ku heleen, kadib fadhiyo kala duwan oo laga yeeshay.

Exit mobile version