Friday, September 12

Walaac ballaaran ayey muujinayaan warfidiyeenada ka howlgala degaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland, waxaana kordhaya cagajugleynta lagu hayo.

Saxafiyiinta ayaa sheegaya in si joogta ah ay u soo wacaan sirdoonka Maamulka Somaliland, kuwaas oo wax ka weydiiya fariimaha ay ku daabacaan baraha bulshada iyo warbixinada ay tabiyaan.

Maamulka ayaa jeelka dhigay weriye Bishaaro Cali Baande, sababo la xiriira qoraalo ay soo dhigtay baraha bulshada, oo ay ku dhaliileysay hoggaanka maamulka Somaliland.

Waxaa la diiday in la booqdo gabdhan saxafiyada ah, oo qoyskeedu ay ka deyrinayaan xaaladeeda, waana arrin qeyb ka ah walaaca heysta weriyayaasha ka shaqeeya degaanada Somaliland.

Gudaha Somaliland, waxaa adag in qofka suxufiga ah uu cabiro aragtidiisa, waana tallaabo haddii uu ku dhaqaaqo fududeyneysa in xiro ama jirdil loo geysto.

Exit mobile version