Waxaa qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan waaxda Canshuuraha maamulka Hirshabelle, kaas oo magaciisa lagu sheegay Daahir Maxamed Kaanti.
Qaraxan oo uu noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3 qof oo rayid ah.
Qaraxan ayaa ka dhacay Suuqa Xoolaha ee degmada Jowhar, waxaana Sarkaalkan uu dhowr jeer ka badbaaday qarax lala eegtay.
Qaraxan ayaa ku soo aadday, xilli mudooyinkii ugu danbeeyey ay kordheysay amni darada ka taagan Hirshabelle, halkaas oo sidoo kale ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo is diidan.