Sunday, December 21

Waxaa mar qura musharaxiinta golaha deegaanka u sharaxan ee urur Siyaasadeedka JSP, ka soo dhex muuqday Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Awcali oo muddo dheer ka soo shaqeynayey hay’adaha amniga dalka iminkana ka tirsan booliska Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Awcali ayaa sidoo kale hore ula soo shaqeeyey hay’ada sirdoonka qaranka ee NISA, wuxuuna soo noqday noqday taliye-ku-xigeenka NISA ee Shabeellaha Dhexe.

Baaritaan dheer oo ay warbaahinta Soomaalida sameysay ayaa lagu ogaaday in Gudoomiyaha degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Owcali uu ka tirsan yahay ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyadoo darajadiisa lagu sheegay Gaashaanle, waana arrin caqabad ah oo ka hor imaaneysa sharuucda doorashooyinka.

Sida guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ay ka dhawaajiyeen, sharciga doorashoyinka ayaa ka mamnuucaya dhamaan Ciidamada Qaranka in ay ka qeyb galaan ama ku lug yeeshaan tartanka doorashada, waa kan Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka oo arrintaasi ka hadlaya.

Arrintan ayaa noqon karta fadeexad iyo dhaliil dul hoganeysa doorashooyinka golaha deegaanka gobolka banaadir ee qabsomeysa 25-ka bisha, waxaase xusid mudan in muddo dheer la is weydiinayey wxyaabaha keenay in Cabdiraxmaan Maxamed Owcali oo ah sarkaal boolis ah, inuu misana ku magacawnaado Gudoomiyaha degmada Wadajir.

Balse meertada taariikhdiisa ayaa xaqiijineysa in kursiga degmada uu hantay muddadii uu madaxtooyada Joogay Farmaajo, xilligaas oo uu ka mid ahaa kooxdii xoogaga wadaniyiinta ee uu hoggaamin jiray Yusuf Diiriye, kuwaas oo kala shaqeeyey hanashada xilka Gudoomiyanimo ee degmada wadajir, wuxuuna durba billaabay inuu isku wato howshiisii uu hayey booliska iyo masuuliyadii gudoomiyenimo, waana tan maanta ka hor istaagi karta inuu noqdo musharax u taagan Golaha Deegaanka Degmada Wadajir.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in Cabdiraxmaan Maxamed Owcali uu qeyb ka yahay saraakiil waqtigan tababar iyo darsi uu uga socdo gudaha Dugsiga Sare ee Booliska ee Jeneral Kaahiye, waxaana saraakiisha ay isku marxalada yihiin ay maqnaanshiyihiisa iyo dibadjoogiisa ku micneeyey mid masuq maasuq ah, oo ay gadaal ka riixayaan saraakiil sare oo boolis ah.

Si kastaba waxaa laga dhursugayaa jawaabta guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ay ka bixiyaan Sarkaalkan ka tirsan booliska soomaaliya, waxaana jawaabta guddiga ay muuqaal rasmi ah ka bixin doonta hanaanka doorashada iyo kalsoonida lagu qabi karo ku dhaqanka sharuucdii la dejiyey.

Exit mobile version