Friday, September 12

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa maanta gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii saakay cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.

Al Shabaab ayaa shalay subaxdii weerar ku qaaday xeradan, iyagoo ku dilay saraakiil iyo ciidamo fara badan, inkastoo markii danbe la iska caabiyey.

Weerarada noocan oo kala ah ayaa kordhaya xilli aanay weli ciidamada dowladda ka baranin wax daruus ah, taas oo xaaladda sii cakireysa.

Exit mobile version