Sunday, September 14

Ciidamada nabad ilaalinta ATMIS ayaa maanta wareejiyey saldhiga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo maanta loo gacan galiyey ciidamada dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha amaanka dalka loogu wareejinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, oo la doonayo in ay qaataan masuuliyada amniga dalkooda.

ATMIS ayaa saldhigan gacanta ku heysay tan iyo sanadkii 2019-kii waana saldhig istaraatiiji ah oo laga ilaaliyo amniga caasimada Muqdisho.

Ciidamada Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay ka soo dhalaalaan masuuliyada sugida amniga dalkooad, kaas oo si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo, maaddaama dhawaan ATMIS ay ka baxayaan Soomaaliya.

Exit mobile version