Sahra Mohamed Khaliif, oo ah gabar asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya, kana mid ah Soomaalida dalka Holand ayaa ku guuleystey kursiga baarlamaanka ee gollayaasha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium.
Sahra ayaa noqotay gabadhi ugu horreysay oo Muslim ah, Soomaali ah, isla markaana soo-galooti ah oo jagadaasi ku guuleysta gobolkeeda.
Sahra oo la hadashay warbaahinta Soomaalida qaarkeed ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay guusheeda, iyadoo dhanka kale xustay in ay kaalin ka geysatay furida xarumo lagu caawiyo dadka soo galootiga ah ee ay Soomaalida ka mid tahay.
Waxyaabaha ay diirada saartay ayey ku sheegtay in ay qeyb ka ahaayeen ogolaanshaha qaadashada xijaabka, oo iminka la aqlabay, waxeyna Sahra intaasi ku dartay in ay sii laba jibaareyso dadaalkeeda ku aaddan howsha ay libinta ka soo hoysay.
Sanadihii ugu danbeeyey Soomaalida ayaa si aad ah uga dhex muuqday siyaasadaha dalalkii ay beegsadeen, markii ay dhulkooda ka qaxeen, waxaana arrintani ay muujineysaa fir fircoonida bulshada Soomaalida.