Thursday, September 11

Qoraal uu soo saaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Saalim Macow Xaaji, ayuu ku sheegay inuu iska casilay masuuliyadaasi, arrimo jiro awgood.

Safiirka ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyey, in dhawaan laga reebay ka qeyb galka meertada 32-aad ee dalalka jaamacada Carabta, kaas oo Sacuudiga ku soo gaba gaboobay 19kii bishan April.

Safiirka si gaar ah uma magacaabin cidda u diiday inuu shirkan ka qeyb galo, balse wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo diiday inuu arko Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaanan ila iyo iminka ka jawaabin sida ay wax u jiraan iyo sababta keentay inuu is casilo safiirka.

Exit mobile version