Monday, September 15

(Hortabin Media) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Hirshabelle u booqday qorshe la xiriira xoojinta dagaalka Al Shabaab looga soo horjeedo ee ka socda qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna maanta gaaray degmada Maxaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa deeganada uu booqanayo ee Hirshabelle kula kulmaya waxgaradka iyo saraakiisha halkaasi ku sugan, si uu ugu booriyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa doonaya in si siman dalka uu uga billawdo gulufka Al Shabaab ka dhanka ah, si ay u suura gasho in kooxda laga saaro dalka.

Xasan Sheekh wuxuu ku dhawaad bil ku sugnaa Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka hoggaaminayey dagaalka, waxaana socdaalkiisa Hirshabelle ay bidhaamineysaa sida ay uga go’an tahay dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Si kastaba Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in labbo bil Al Shabaab looga saaro bartamaha Soomaaliya, si loogu jiheysto Koonfur Galbeed iyo Jubaland, oo ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin kooxdan.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version