Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ayaa warqad casbasho ah u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaan safaaraddu ay si toos ah u eeddeyneysaa qaar ka mid ilaalada Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo si xushmad darro ah ula dhaqmay xubno ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Warqada ayaa lagu sheegay in loo gacan qaaday xubno ka tirsan shaqaalaha safaarada mareykanka ee Soomaaliya, waxaana dhacadani ay ahayd 17-kii May ee sanadkan Markaas oo ay qabsoontay Munaasabad lagu sagootinayey Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ay si rasmi ah warqadan xafiiskiisa u gaartay ayaa laga codsaday in tallaabo cad uu ka qaado, dadka ku kacay falkan.
Lamo ogga jawaabta rasmiga ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka bixin doonto eedda loo jeediyey ilaalada masuuliyiintan, waxaana la ogsoon yahay in Mareykanka uu ka mid yahay dalallka sida aadka ah u taageera arrimaha Soomaaliya.