Friday, September 12

Dowladaha Soomaaliya Iyo Sacuudiga ayaa abuuraya xiriirka ka sal ballaaran kii hore, waxaana dhinacyada ay heshiis ka gaareen arrimo kala duwan.

Tan iyo dib u doorashadii Madaxweynaha, Xasan Sheekh ayaa marar kala duwan safaro ku tagay dalka Sacuudiga, isagoo halkaasi kula kulmay masuuliyiin fara badan oo dalkaasi ka tirsan, kuwaas oo uu ka mid yahay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Amiirka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si qoto dheer uga wada hadlay, xoojinta xiriirka labada dal, iyo in la yagleelo iskaashi buuxa oo labada dhinac ah.

Safarkii ugu danbeeyey Madaxweynaha wuxuu sacuudiga ku tagay dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay, markaas oo uu Sacuudiga uga qeyb galayey Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta.

Intii uu ku sugnaa Madaxweynaha Sacuudiga, wuxuu boqortooyada ka dalbaday taageero ku aaddan, wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al Shabaab, kaas oo ay Sacuudiga ballan qaadeen.

Mira dhalka kulamadaas iyadoo laga duulayo, ayaa waxaa dalka Sacuudiga tagay toddobaadkii aynu ka soo gudubnay, Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nur ( Aaden Madoobe), isagoo kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Kulanka labada dhinac oo daba jooga kii Madaxweynaha, ayaa lagu lafa guray arrinta ku aaddan, iskaashiga labada dal, waxaana la isla qaatay in ay wada shaqeeyaa Barlamanada Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Waqtigan waxaa Sacuudiga ku sugan, Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaas oo isna kulan magaalada Riyadh  kula qaatay Wasiirka Difaaca dalkaas Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz.

Wada-hadallada labada dhinac dhex maray oo ku soo dhamaaday guul, ayaa xiriir la leh fulinta dalabkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddanaa, in Sacuudiga uu taageero wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan ay albaabadu u xiran yihiin la yeeshay, ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili, isagoo booqasho ku tagay kuliyadda hoggaaminta ciidanka qalabka sida iyo hay’adda qaran ee (Cyber Security-tiga) Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulamada joogtada noqday ee labada dal, ayaa iftiiminaya kaalinta Sacuudiga uu ka taagan yahay siyaasadda Soomaaliya ee waqtigan, wuxuuna damaciisa ugu weyn yahay, sidii uu jaal ama saaxiib dhaw ula noqon lahaa dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh.

Exit mobile version