Sacuudiga oo sheegay inay diyaar u yahay inuu ka jawaabo weerarada Iiraan, waana tallaabo sii kordhin karta colaadda xilligan ka ooggan bariga dhexe, oo u muuqata mid marba marka ka danbeysa ka sii dareysa.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dowladda, Sacuudi Carabiya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u difaacdo amnigeeda una ilaaliso dadka deggan dalka.
Golaha wasiirrada boqortooyada ayaa adkeeyay “diyaargarowga lagu abaabulayo dhammaan awoodaha” si loo taageero dalalka xulafada ah marka ay ka jawaabayaan weerarro kasta oo suurtagal ah oo kaga yimaada Iiraan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.
Saldhig ay leedahay Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Maraykanka (CIA) oo ku yaalla safaaradda Maraykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay in uu ku dhacay weerar diyaarado aan duuliye lahayn Isniintii.
Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya labaduba waxay xaqiijiyeen in laba drone ay ku dhaceen dhismaha safaaradda ee Riyadh, balse ma jirto wax muujinaya in xarunta sirdoonka ay ahayd bartilmaameedka weerarka, sida ay sheegtay Reuters.
Weerarka ayaa “burbur” ku sameeyay qayb ka mid ah saqafka safaaradda, isla markaana qiiq ku “wasakheeyay” gudaha, sida lagu sheegay digniin ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo uu helay wargeyska Washington Post.
Digniintaasi waxay kaloo sheegtay in safaaradda ay soo gaadhay “burbur dhismeed”, isla markaana shaqaalaha lagu amray inay “sii joogaan goobtooda oo ay is-difaac ku ekaadaan,” sida ay tabisay Washington Post.
