Friday, September 12

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in boqortooyada Sacuudiga ay dhowaan fuliso xukunno dil ah oo lagu riday ku dhowaad 50 maxbuus Afrikaan ah, oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Warar laga helayo gudaha xabsiga Najran oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel u dhow xuduudka dalka Yemen, ayaa muujinaya in maxaabiistan oo u badan dad kasoo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya ay heleen digniino rasmi ah oo sheegaya in dilkooda la fulin doono maalmaha soo socda.

Eedeymaha loo haysto waxay inta badan la xiriira dambiyo ka ganacsiga daroogada, taasi ciqaab dil ah sida uu dhigayo sharciga Sacuudiga.

Hay’adaha caalamiga ah sida Amnesty International ayaa walaac weyn ka muujiyay dhacdadan, iyaga oo sheegay in Sacuudiga uu horey u fuliyay xukunka toogashada tobanaan ruux intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025.

Dowladaha Afrikaan ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa hadda cadaadis saaraya Sacuudiga si uu u joojiyo dilalkan, waxayna codsadeen in si cadaalad ah loo qiimeeyo kiisaska, islamarkaana aan lagu xukumin dad ajnabi ah xeerar adag iyada oo aan helin difaac sharci oo dhab ah.

Arrintan ayaa walaac gaar ah ku haysa qoysaska Soomaalida ee la rumeysan yahay in eheladoodu ka mid yihiin dadka xukunka dilka ah sugaya, iyadoo aan weli laga helin war cad oo dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

Exit mobile version