Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfuray kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas, waxa uu u jeediyay khudbad uu uga hadlay Amniga, Siyaasadda, Tababarka ciidamada, Doorashooyinka iyo qodobo kale.
Waxa uu soo hadal qaaday khayraatka Dabiiciga ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland ku jira, Deni ayaa tilmaamay in si ka madaxbannaan Dowladda Dhexe ee Federaalka ay ka faa’iidaysan doonnaan sida uu hadalka u dhigay.
“Puntland waxa ay xaq u leedahay in ay si madaxbannaan uga faa’iidaysato khayraatkeeda haddii ay tahay Ganacsato Soomaaliyeed, kuwa Ajanabi ah & Dowlado” Waxaa sidaasi yiri Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Dagaallada ka socda dhulka buuralayda iyo gaabista soo galay ayuu soo hadal qaaday, waxa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay kasoo xirtay albaabada saaxiibada Caalamiga ah ee howlgalka qaybta kala ahaa iyo qaadista askarta dhaawaca soo gaaro.
“Dowladda Federaalka waxa ay naga hor istaagtay Diyaaradaha lagu qaadayay Askarta dhaawaca ah & Kaalmadii Militari ee Caalamiga ahayd” Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland oo rabtay in ay Su’aalo weydiiyaan Hoggaamiye Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laga hor istaagay waxaana kaddib xarunta Baarlamaanka isaga baxay Deni iyo ilaaladiisa.

