Gabi ahaanba maanta waxaa xiran dukaamadii iyo bakhaaradii waa weynaa ee ku yaallay gudaha Suuqa Bakaaraha, sababo la xiriira caddaadis uga imaanaya labbo dhinac.
Dowladda ayaa ganacsatada ku caddaadineysa in ay ilinka hore ee xarumahooda ganacsi ku xiraan kaamirada qarsoon CCTV, halka Al Shabaab ay u goodisay cidii u hoggaansanta awaamiirta dowladda.
Inta la ogyahay 5 xarumo ganacsi ah, oo ku yaalla gudaha Suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa, ayaa lala eegtay qaraxyo miino, waxaana bur buray gabi ahaanba xarumahaasi ganacsi, oo uu khasaare baaxad leh ka soo gaaray qaraxyadii lagu xiray.
Ganacsatada ayaa walaac ka muujinaya arrintan, mana jirto cid si rasmi ah u daamanad qaaday amnigooda.
Arrimahaasi ayaa abuuray wal wal aad u fara badan, waxaana maanta xiran Suuqii weynaa ee Bakaaraha, lamana ogga waqtigan dib loo furi doono.