Friday, September 12

Dowladda Soomaaliya ayaa labadii asbuuc ee ugu danbeysay diirada saartay ka hadalka masuq maasuqa dalka ragaadiyey 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda ayaa sheegtay in ay billaabeyso mashruuc cusub oo ay kula dagaallameyso masuqa daashaday xafiisyada dowladda, waxaana la meel mariyey xeer qabanaya kuwo masuqa caadeystay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay in ay soo de dejisay caqabado culus oo ay dowladda la kulantay, kuwaas oo uga yimid gudaha dalka iyo caalamka.

Dalal badan oo ka qeyb qaatay abaartii dhawaan dalka ka dhacday, ayaa cabasho usoo gudbiyey dowladda, kuwaas oo sheegaya in dhaqaalihi iyo raashinkii ay bixiyeen aan si daacad ah loo maamulin.

Dowladda oo arrintaasi baaritaan ku sameysay, ayaa ogaatay in la masuq maasuqay raashinkii iyo dhaqaalihii loogu yaboohay barakacayaasha Muqdisho soo maciinsaday, waxeyna iminka ku raad joogtaa kuwii falkaasi ka danbeeyey.

Sababta kale ee dowladda waqtigan ku qasbeysa wax ka qabashada musuqa ayaa ah, cabashada ka soo yeereysa shacabka, oo dhibaato xooggan ka muta xafiisyada dowladda, waxaana lagu xujeeyaa lacago laaluush ah, si howsha loogu fududeeyo.

Sidoo kale muwaadiniinta ayaa culeys xooggan kala kulmaya hay’adaha garsoorka dalka, oo u furan dhaqaalle un, waana dhibaato ay shacabku wehel u ahaayeen sanado badan.

Sababahaas oo is-biirsaday ayaa dowladda ku riixaya in ay meel uga soo jeesato masuq maasuqa, kaas oo haddii uu sii jiro, keeni kara in Beesha Caalamku jarato dhaqaalaha ay siiso Soomaaliya. 

Exit mobile version