Sunday, September 14

Waxaa weli jeelka ku jira Suldaan Hooleey oo ka mid ah dadka sida aadka ah caanka uga ah baraha bulshada, kaas oo ay dhawaan xirtay hay’ada NISA.

Ninkan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu taageeray damaca qar iska tuurnimada ah ee Itoobiya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Xarigiisa ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, oo uu inta badan ka soo muuqan jiray, isagoo aragtiyo ka dhiibanaya xaaladda Siyaasadda dalka.

Hooleey, ayaa ka mid ahaa xubno odayaal ah, oo kal hore ka baxay Muqdisho, kuwaas oo booqasho ku tagay Somaliland, si ay taageero ugu muujiyaan Somaliland, oo dagaal culus kula jirtay xooggaga SSC.

Lamo ogga dhab ahaanshaha cida u igmada masuuliyada Suldaanimo ee uu sheegto, hase ahaatee wuxuu si joogto ah baraha bulshada uga taageeraa siyaasadda Somaliland, oo uu hab heyb ahaan ku soo dhaweysanayo, sida hadalkiisa laga dhadhamin karo. 

Exit mobile version