Monday, September 15

Xasan Sheekh Dib usoo laabashadiisa Xafiiska dalka looga arrimiyo wuxuu la yimid guluf culus oo lagu ciribtirayo Al Shabaab, iyo ka go’naasho ku aadan qaadashada Mowqifkaasi.

Dadaalada uu ku jiro oo ah kuwo Muuqda, waxaa majaxaabinaya culeyska maalmihii ugu danbeeyey soo wajahay yoolka dagaal ee uu ku baaqay.

Waxey Ciidamada Dowladda Faarujiyeen Degmooyinka Ceeldheer, Galcad Budbud, Wabxo iyo Ceelbuur, waxaa kale oo ay ka huleeleen degaanada Daadaale, Sinidhiqo. Xiin fardooda iyo Jaaw, oo dhamaantood hoostaga degmada qadiimiga ee Ceelbuur oo mar ahaan jirtay xaruntii siyaasada ee xisbigii leegada.

Ka bixitaanka dhulkan, waxey dowladda ku macneysay dib u gurasho ku qotonta xeelad dagaal ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Gaashaandhiga.

Balse waxaa la rumeysan yahay in culeys xooggan uu ku yimid qorshihii dagaal ee dowladda, wixii ka danbeeyey weerarkii Coosweyne ay Al Shabaab ku qaadeen dabayaaqada Bishii aynu ka soo gudubnay.

Sida saraakiisha qaar ay sheegayaan Weerarkaasi wuxuu wax badan u dhimay mooralkii iyo hankii ciidamada, maddaama ciidamada oo iska caabiyey Al Shabaab saacado badan ay waayeen wax gurmad ah.

Maalmo kooban kadib weerarkaasi Ra’iisul wasaaraha Dalka Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray Aaden Yabaal, si uu niyad dhis ugu muujiyo ciidamadii ka soo firxaday furimaha hore, balse weedhihii uu halkaasi ka yiri, kuma filneeyn dhayida boogaha damqinaya ciidamada.

Weerarkaasi oo ciidamo badan lagu laayey, wuxuu sababay dhaawac soo gaaray gulufkii uu madaxweynuhu ku baaqay.

Dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu isna dharbaaxo kala soo kulmay, qabaa’ilada dega Galmudug, kuwaas oo ku gacan seyray in ay kala qeyb galaan dagaalka Al Shabaab looga saarayo bartamaha dalka.

Muddo bil ku dhaw oo uu Dhuusamareeb fadhiyey, wuxuu usoo baqoolay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo weli taageero ciidan u raadinaya sidii Al Shabaab looga xoreyn lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Gobollada Dhexe.

Lama ogga waxa uu kala kulmi doona dadka reer Hiiraan, oo horeba tabasho uga qabay maamulka Hirshabelle, hase ahaatee Kacdoonkii ay Al Shabaab isaga xoreeyeen ee diiwaan galay, ayaa Madaxweynaha ku xanbaaraya inuu hiil ka dayo.

Al Shabaab qudhooda waqtigan ma lahan awood milatari oo la taaban karo, waxaana xusid mudan in dhamaan degmooyinkii hore looga qabsaday ay ka baxeen iyagoo aanan muujin wax iska caabin ah.

Waxa keliyaha ee ay maanta hiilka bidaan ayaa ah weerarada rogaal celiska ah, ee ay ku  qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda.

Weeraradan oo ay kooxdu soo qaado waqtiyo cayiman, sida aroortii iyo gabal dhicii, ayey qubarada amniga ku talinayaan in ciidamada dowladda ay daruus ka dhaxlaan,maddaama uu yahay qorshaha keliyah ee ay Al Shabaab isku muujiyaan.

Waxaa kale oo Al Shabaab iyana culeyska ku kordhiyey weerarada duqeymaha diyaaradaha, ee ay Soomaaliya ka taageeraan dalalka Turkiga iyo Mareykanka.

Al Shabaab waxaa sidoo kale awoodooda wiiqay xooggaga deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo sanado badan ku hoos noolaa awaamiirta Al Shabaab, balse markii danbe heeryada iska rogay diidana adeecida amarada kooxdaasi.

Dhan kastaba Ka bixitaanka Ciidamada dowladda ee deegaanadan ayaa noqoneysa mid niyad jabineysa shacabka Soomaaliyeed, oo kalsooni buuxda u muujiyey dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Inkastoo nidaamkiisa hoggaamineyd ay dul hoganayaan dhaliilo kala duwan, haddana wuxuu qaaday tallaabo ay ka baaqsadeen ragii kursiga Madxtooyada ku soo fariistay, oo iyagaba maanta ku bogaadinaya go’aanka dagaal ee uu qaatay.

Si kastaba qubarada aqoonta u leh amniga ayaa ku talinaya in dowladda ay dejiso qorshe cusub oo ay ku wajaheyso dagaalka, isla markaana ay ku laabtaan goobihii ay soo faarujiyaan, waana arrinta keliyah ee soo gaabin karta saameyntii ay Al Shabaab dalka ku lahaayeen 15-sano ee la soo dhaafay.

Exit mobile version