Friday, September 12

Webiga Shabeelle ayaa xilligan si xowli ah fatahaad ugu sameynaya deegaanada uu maro, waxaana iminka xaalad halis ah ay ka taagan tahay gobolka Shabeelaha Hoose.

Webiga oo karkaarada jabsaday, sababo la xiriirka roobka deyrta oo ah mid aad u fara badan, ayaa xiligan saameeyey gobolka Shabeelaha hoose.

Cabasho xoogan ayaa ka soo yeereysa dadka ku sugan deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo ay biyuhu ugu tageen aqaladooda.

Waxaa xaalad la mid ah tan deegaanadaasi ka oogan ay ka jirtaa Degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo deegaanka Jannaale, oo iyaguna ay saameysay fatahaada.

Fatahaadan oo ah mid xooggan ayaa saameyn lixaad leh ku yeelatay dalagyadii Beeraha ee dhawaan la beeray, maaddaama gobolka Shabeelaha hoose uu caan ku yahay dhul-beereedka.

Exit mobile version