Saturday, September 13

Bishan aynu ku guda jirno, waxaa Soomaaliya ka tagaya ciidamo tiradoodu gaareyso 2000 oo ka tirsan Howlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS, waana arrin laga muujiyey walaac badan.

Haddaba qubarada amniga ka faalooda, maxey ka yiraahdeen saameynta ay dhimista ciidamadan ku yeelan karto wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab?

Qubarada amniga ee aragtidooda inala wadaagay ayaa ku kala fekar duwan, saameynta uu wajiga labaad ee dagaalka ku yeelan karto dhimista tirada ATMIS ee Soomaaliya joogta.

Inta badan qubarrada amniga waxa ay leeyihiin, hoos u dhigida tirada ATMIS, ee Soomaaliya waxa ay saameyn xooggan ku yeelan kartaa wajiga labaad ee dagaalka, kaas oo ay qeyb ka yihiin ciidamada dowladaha dariska.

Arrintan ayaa sidoo kale kordhin karta, awooda Al Shabaab, maaddaama ay hoos u dhaceyso cududa ciidamada, oo iminka ah kuwa tayo fiican leh.

Qubaro kale ayaa iyaguna aamisan, in wax saameyn ah aysan yeelan howlgalka wajiga labaad ku yeelan doonin, dhimista tirada ciidamada ATMIS, iyagoo soo xiganaya wajiga koowaad ee dagaalka, kaas oo aysan qeyb ka ahayn ATMIS.

Wajiga hore ee dagaalka oo guullo laga keenay, waxa ay tusaalle cad u tahay in aysan jirin baahi loo qabo ATMIS, waxaana muhiim ah in wajiga labaad ay iska kaashadaan Ciidamada deegaanka iyo kuwa qaranka, si loo soo hoyo guullo la mid ah, kuwii hore loo gaaray, waa sida ay ku talinayaan qubarradan.

Dhimista tirada Ciidamada ATMIS lagu sameynayo ayey horey walaac uga muujiyeen qaar ka mid ah madaxda dowladaha ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada, sida Jabuuti iyo Kenya.

Exit mobile version