Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xilalkii ka xayuubisay, masuuliyiin horseed u ahaa gulufka ka dhanka ah Al Shabaab, kuwaas oo kaalin la taaban karo ka qaatay wajigii hore ee dagaalka.
Xil ka qaadistii lagu sameeyey Cali Jeyte Cismaan, oo ay ka dhalatay xiisad ballaaran, ayaa sida ay qubarada amnigu sheegayaan dhabar jab ku noqon karta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Cali Jeyte ayaa qeyb weyn ku lahaa abaabulka, iyo billaabashada wajigii hore ee dagaalka, waana nin lagu qadariyo masuuliyada libintii laga soo hoyey, dagaalladii Al Shabaab lagula galay Hiiraan.
Wuxuu sidoo kale isku dabariday ciidamada deegaanka ee loo yaqaan macawiisleyda, kuwaas oo tallaabooyin muuqda qaaday, kadib dhiira gelin ay ka heleen masuuliyiin uu isagu ugu horeeyo.
Taliyihii ciidanka Xoogga dalka ee xilka laga qaaday ayaa, iyaduna saameyn ku yeelan karta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, maddaama sida la sheegayo uu ahaa nin dhallinyaro ah, kaas oo si dhaw ula shaqeynayey saraakiisha hoggaamineysa dagaalka.
Howshiisa badan iyo fur furnaanta dabcigiisa, ayaa niyad dhis xooggan ugu fadhisay ciidamada, waxaana maqnaashihii ay shaki galin kartaa in guullo laga gaaro wajiga labaad ee dagaalka.
Waxaa sidoo kale howlgalkan, door muuqda ka ciyaaray Jeneral Biixi oo isna laga qaaday xilkii uu ku magacawnaa ee ahaa taliyaha ciidamada lugta.
Biixi ayaa ahaa oday, si weyn uga dhex muuqday wajigii hore ee dagaalka, isagoo boos muhiim ah ugu jiray dajinta qorshayaasha lagu dhaqaaqayo iyo isku dabaridka ciidamada.
Sida ay qabaan qubarada qaar maqnaanshaha raggana, waxey wiiqeysaa rajada laga filan karo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo lagu wado inuu dhawaan dalka ka billawdo.