Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Saameyn aad u xooggan ayuu waqtigan roobka deyrta ku yeeshay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana magaalooyinka qaar bur bur kaabayaashii, halka khasaare baaxad leh uu gaarsiiyey inta badan bulshada.

Gudaha Jubaland, ayaa ka mid ah meelaha khatarta ugu badan ay ka taagan tahay, waxaana walaac laga muujinayaa xaaladda gobolka Gedo, halkaas oo uu magaalooyinka qaar ku fatahay webiga Juba.

Waxaa sidoo kale go’day wadadii Kismaayo, taas oo dhibaato xooggan ku xanbaareysa dadka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubaland.

Koonfur Galbeed ayaa iyaduna wajaheysa xaalad aad u culus, oo ka dhalatay roobabka deyrta, iyadoo magalooyinka Baydhabo iyo Qansax dheere ay yihiin kuwo ugu daran, waxaana goobaahaasi laga soo werinayaa kiisas dhimasho ah oo ay sababeen daadadka.

Sidoo kale Shabeelaha hoose ayey ka taagan tahay xaalad halis ah, kadib markii uu ku fatahay webiga Shabeelle, kaas oo khasaare ba’an gaarsiiyey dhul beereed aad u fara badan.

Hirshabelle, walaac aad u ballaaran ayaa ka oogan gudaha deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar, oo uu ku fataha Webiga Shabeelle.

Dadkii ku dhaqnaa gudaha Baladweyne intooda badan ayaa guryahooda ka barakacay, sababo la xiriira fatahaada webiga, oo saameysay xaafado aad u fara badan.

Dhanka Galmudug, weli Xaafadaha Gaalkacyo waxaa dhex ceegaago biyo aad u fara badan, kuwaas oo ah daadadkii ku soo rogmaday gudaha magaalada, waxaana xaalad hubanti la’aan ku sugan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, oo saameyeen roobabkii da’y

Dhinaca Puntland, waxaa go’day Wadadii Qardho ku xireysa deegaanada kale ee maamulka Puntland, sababo la xiriira xoogga daadadka ka dhashay roobabka da’y

Xaaladda ayaa weli cakiran, iyadoo weli ay socdaan roobabka deyrta, kuwaas oo xitaa saameyn lixaad leh ku yeeshay wadooyinka Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Exit mobile version