Tuesday, September 16

(Hortabin Media) –Saameyn aad u baahsan ayey abaarihii dalka ku dhuftay ku yeesheen dhamaan dhul beereedkii gayiga Soomaalida, waxaana yimid culeys dhanka khudaarta ah.

Abaaraha dalka ku dhuftay, ayaa ka dhigay dhul beereedkii mid tacabkiisu yaraado, waxaana hoos u dhacay noocyadii kala duwanaa ee dalagyadii ka soo go’ jiray beeraha dalka.

Saameynta ay abaaruhu ku yeesheen dhul beereedka ayaa lag dareemayaa gudaha Muqdisho, waxaana sare u kac uu ku yimid inta badan qiimihiii khudaarta.

Abaarta ayaa sidoo kale sababtay in beerihii uu u daato ayaxa fara badan, kaas oo nabaad guuriyey dalagyadii la filayey in ay sanadkan soo go’aan.

Xaaladda ba’an ee abaaraha ayaa keentay in ay barakacaan inta badan qoysaskii beeraleyda ahaa, kuwaas oo weli badankooda aan dib u laaban.

Exit mobile version