(Hortabin Media) – Waxaa Kordhaya Saameynta ay Al Shabaab waqtigan ku hayaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland, oo ka mid ah maamullada aan weli galin dagaalka Al Shabaab.
Kooxda ayaa caddaadis adag ku heysa ciidamada dowladda ee ku sugan Jubaland, waxeyna si joogta ah ugu qaadaan weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah.
Weerarkii ugu danbeeyey oo ahaa qarax noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayey Al Shabaab shalay la bartilmaameedsadeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Weerarkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Doolow iyo Luuq, ayaa lagu dilay ugu yaraan lix askari oo ka tirsan dowladda, iyadoo lagu dhaawacay abaanduule hoggaaminayey kolonyadii gaadiidka ahaa.
Al Shabaab ayaa weeraradan ku muujineysa in ay weli yihiin kuwo awood leh, oo fulin kara weeraro waxyeelo u geysan kara ciidamada Soomaaliya, waxaase la filayaa in dhawaan Jubaland uu ka billawdo gulufka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.