Sunday, September 14

Culeys weyn oo dhinac amniga ah ayey soo kordhisay dhimista lagu sameynayo ciidamada Midawga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo saldhigyo dhowr ah ku wareejiyey ciidamada dowladda.

Tan iyo markii uu golaha amaanka Qaramada Midoobay uu isku raacay in dhimis lagu sameeyo ATMIS, isla markaana ay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka sanadka 2024, waxaa kordhayey walaaca amni ee arrintaasi keeni karto.

Al Shabaab ayaa shalay qabsaday mid ka mid ah saldhigyadii lagu wareejiyey ciidamada dowladda kaas oo ku yaalla deegaanka Girileey ee gobolka Gedo, kadib dagaal ay ku qaadeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Saameyntan dhanka amniga ayaa noqoneysa mid ka mid ah caqabadihii laga digayey, waxaana cabsi laga qabaa in Al Shabaab ay sidoo kale qabsadaan saldhigyo kale oo ay ATMIS dhawaan ku wareejiyeen ciidamada dowladda.

Si Kastaba, ciidamada dowladda Soomaaliya oo  lagu wareejinayo amniga dalka, ayey qubaro badan aaminsan yihiin arrin waqtigan lagu deg-degay, iyagoo sheegaya in ciidamada dowladda ay ka maqan yihiin arrimo badan oo kaalin ka qaadan lahaa in ay doorkaasi buuxiyaan, waxaana ka mid ah in laga dhiso dhanka, qalabka, dhaqaalaha iyo loona yeelo nidaam ciidan oo hufan,kaas oo ka madax bannaan siyaasada dalka ee qabiilka ku dhisan.

Exit mobile version