Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hawadeeda u furi doonto dhammaan shirkadaha duulimaadyada oo ay ku jrto diyaaradda Israa’iil.
Hay’adda Duulista Hawada ee Sucuudiga (GACA) ayaa sheegtay in hawada dalku ay hadda u furan tahay dhammaan shirkadaha buuxiya shuruudaha caalamiga ah ee duulimaadyada iyadoo la raacayo heshiisyada caalamiga ah ee dhigaya in aan la takoorin diyaaradaha rayidka ah.
Waa talaabo sahleysa duulimaadyada ka imaanaya Israa’iil oo markii hore soo mari jiray khad dheer.