Friday, September 12

Maanta waxaa dalka Rwanda la geeyey qaxooti tiradoodu gaareyso 134, kuwaas oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalka Liibiya.

Qaxootigan ayaa u kala dhashay dalalka, Eriteria, Sudan Cameroon, Mali, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxeyna ahaayeen dad magangalyo doon ah oo ku sugnaa dalka Liibiya.

Tirada uga badan qaxootiga waxey ka soo jeedeen dalka Eriteria, waxeyn tiradoodu gaareysay 64, halka Sudan ay ahayd dalka labaad ee ugu badan qaxooti la geeyey Rwanda, kuwaasi oo tiradoodu ahayd 35

Sida wararku sheegayaa 17- ka mid ah qaxootigan waxey ka socdeen dalka Itoobiya, halka 15- ka mid ah ay yihiin Soomaali.

Dadkan ayaa la dajinayaa xarunta Gadiidka ee ku taalla magaalada Kigali ee dalka Rwanda, ka hor inta aanan loo yagleelin xero qaxooti oo cusub.

Warbixinadu waxa ay sheegayaan in dowladda Rwanda, Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR iyo Midawga Afrika oo is kaashanaya ay raadinayaan xal ah, in dadkaan qaarkood dalkooda dib loogu celiyo, maaddaama aysan colaado ba’an ka jirin.

Afhayeenka Rwanda ee UNHCR Lily Carlisle, ayaa soo jeedinaya in la kordhiyo heshiiska ku aaddan daad gureynta qaxootiga iyo dadka magan galyo doonka ah ee la keenayo dalka Rwanda.

Dalka Rwanda wuxuu tan iyo sanadkii 2019-kii qaabilayey qaxooti u badan kuwa magan-galyo doon ah, kuwaas oo inta la diiwaan-geliyey tiradoodu gaareyso 1,600, kasoo kala jeeda dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Exit mobile version